Home Afsomali Meydkii ay qaateen ciidamada Kumandoska Somalia oo ay sheegeen in uu ahaa...

Meydkii ay qaateen ciidamada Kumandoska Somalia oo ay sheegeen in uu ahaa Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Sh/hoose

Taliska ciidamada Kumandoska Somalia ee Danab ayaa war ka soo saaray howlgal  ciidamadaas ay ka sameeyeen degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose

Dadka degaanka ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay oday dhaqameed ka mid ahaa nabadoonada degmadaas, iyagoo ka dibna meydkiisa  ay horey u qaateen ciidamadii dilay.

Balse War-saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Danab ayey ku sheegeen in ninka ay dileen uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kaasoo ay muddo badan ku daba jireen.

“Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Sheikh DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxay ku dileen Horjoogihii  Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada lagu laayay Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Cismaan “Buluush” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Danab.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada howlgalka waday ay isku dayeen iney qabtaan ninkan balse ay toogteen markii uu la soo baxay qori, lana dagaalamay ciidamada.

“Horjoogahani ayaa wuxuu badalay  Maxamed Siidow oo 28-kii December   2019 lagu dilay Duqeyn ka dhacday Tuulada Caliyow , isagoo horay u laayay Shacab iyo Ciidan oo uu qaraxyo u maleegay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Danab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.