Home Afsomali Michael Keating oo amray madaxda dowlada in 6-da bisha November wixii ka...

Michael Keating oo amray madaxda dowlada in 6-da bisha November wixii ka danbeeyey uu xilka sii heyn doonin madaxweyne Xasan Sheikh

Xasan Sheikh

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in 6-da bisha November 2016, waxii ka dambeeya uusan xilka sii heyn karin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Michael Keating ayaa tilmaamay in waxii ka dambeeya 6-da bisha November Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlada inteeda kale aysan lahaan doonin awood ay ku qaadan karaan sida uu tilmaamay go’aano waa weyn.

Warqada uu soo saaray Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa loogu yeeray Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee shirka ugu furmayo Muqdisho in ay soo saaraan taariikhda rasmiga ah ee xilka ugu egyahya Madaxweynaha Soomaaliya.

”Waxaan ka rabnaa Hogaamiyaasha Madasha in ay la yimaadaan soona saaraan taariikh cad oo muujineysa xiliga uu ku egyahy Waqtiga uu kursiga sii fadhinayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan kaloo rabnaa in la cadeeyo in doorashada Madaxtinimo in ay dhaceyso 30-October, ” Ayuu yiri Danjire Keating .

Xiliga Rasmiga ahee Madaxweynaha Soomaaliya uu xilka heyn lahaa kaliya waxaa ka harsan afar maalin waxa ayna ku egtahay 10-ka bishan , waxaan Hogaamiyaasha Madasha ay horey u shaaciyeen in Madaxweynaha xilka heyn doono ilaa laga helo Madaxweyne kale oo badala.

Baarlamaanka Soomaaliya oo isna waqtigiisu ku ekaa 19-ka bishii hore ee AGoust ayaa horey u ansaxsaday in aysii joogayaan ilaa laga helo Baaralamaanka kale oo badala, waxaana muuqaneyda dowlada hada jirta in ay sii shaqeeneyso ilaa laga helayo Dowlada kale oo badasha.

5 COMMENTS

  1. Warbaa ka dhacay oo yaa loosharaxay in uu madaxweyne noqdo mid kuwii hore inoosoo maray ka qayr iyo iimaan badan allaha inoo gadhigo aamiin waan daalnee aloow mid aanku degno nasii waanala dubtee aloow mid itopia naga dulqaado nasii waa nalaku digtee aloow mid noo diirnaxo nasii waan isku dambownee aloow mid nadariseeyo nasii waan kala didnee mid isku kaayaduuba nasii waan diihaaloownee dibad u roornee aloow mid nabada soo dabaala oo dalkeenii nagu soo celsha dareen la aan nasii waan kala durug nee aloow mid isku kaaya duubo nasii aah Duco qabe allahayoo diin islaama haystoo dubku noogu yaaloo na daweeya noo keen daa imoow allahayoow midey diintu deeqdoo daalimiinta nagararo dabajaro xumaatada doowladeena mid kadhiga dihaalka nagajara amxaar naga dulqaadoo dadku wada jeclaadaan daahiroon baqaynoo digtator ahayn baan duljalaalu baryeeynaa waan daalnay eeboow ducaqabe inoogadhig yaa allaah midka soosocda mid qeyr badan iimaanleh inooga dhig aamiinta igu kaalmeeya in allaah inaga aqbalo aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.