Home Afsomali Mid ka mid ah Isbitaallada ugu weyn Muqdisho oo la xiray fidida...

Mid ka mid ah Isbitaallada ugu weyn Muqdisho oo la xiray fidida Carona iyo dadkii ku jireyna la karantiile

Sidda ay xaqiijiyeen Qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho waxaa la xiray inta badan Qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in ay guud ahaan ay joojiyeen qaabilada Bukaanada imaan jiray Isbitaalka sababo la xariira Cudurka Corona Virus .

Waxaa kaliyah oo furan qeybta loogu tala galay Gurmadka deg deg ah gaar ahaan dadka kusoo dhaawacma Qaraxyada.

Waxaa sidoo kale karantiil la galiyay Dhaqaatiir, Shaqaalle iyo howladeeno ka tirsan Isbitaalka Digfeer oo looga Shakiyay Corona Virus.

Warar kale oo ay heshay Risaala ayaa sheegaya in laga yaabo in isbitaalka uu ka mid noqdo goobaha lagula tacaali doono bukaanada Corona Virus.

Saddex ka mid ah dadkii shalay laga helay Corona Virus ayaa ka howlgalayay Isbitaalka digfeer ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.