Home Afsomali Mid kamid ah Guddoomiye kuxigeenada degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay

Mid kamid ah Guddoomiye kuxigeenada degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay

Allaha u naxariistee waxaa xalay xilli dambe qarax lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee Maamulka degmada yaaqshiid, Macallin Xuseen (filla-wayne) xilli uu ku sugnaa meel kamid ah Xaafada Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiillow oo xaqiijiyay dilka Guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in qarax loogu xiray Gaarigiisa uu ku qarxay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa tegay Ciidamo katirsan kuwa laamaha Amniga Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi ka qaaday meydka Guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda Maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaaladiisa

laamaha Amniga Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxa lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda Maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaar kamid ah ilaaladiisa ay qaraxa ku dhaawacmeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.