Home Afsomali Midawga Afrika oo Itoobiya ka dalbaday inuu liiska argagaxisada ka saaro TPLF

Midawga Afrika oo Itoobiya ka dalbaday inuu liiska argagaxisada ka saaro TPLF

Midawga Africa ayaa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy ahmed ugu baaqay inuu Jabhada TPLF ka saaro liiska argagixisada ee uu Baarlamaanku ansixiyay bilo ka hor.

Midawga Africa ayaa Xukuumada Abiy ahmed ku cadaadinaya in TPLF si waan-waan iyo wada hadal lal furo si colaada loo soo afjaro.

Wadamada Reer galbeedka ayaa sidoo kale ku hawlan  sidii colaada Itoobiya wadahadal loogu dhamayn lahaa, miiska wadahadalkana loo keeni lahaa dhinacyada dagaalamaya.

Xukuumada Abiy Ahmed ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka ka soo yeeray Midowga Afrika iyo beesha caalamka.

Woqooyiga Itoobiya waxaa ka socda dagaalo qaraar oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa TPLF, kuwaasoo galaaftay dad badanm halka kumanaan kalena ay ku barakaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.