Home Afsomali Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah

Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah

Guddiga sare ee maamula ururka Midawga Yurub ayaa soo jeediyey in la hakiyo lacag gaaraysa 7.5 billion oo Yuuro oo la siin jiray dalka Hungary oo xubin ka ah ururka Midawga Yurub, iyada oo walaac xooggan laga qabo musuqmaasuqa dalkaas ka jira iyo weliba dib u dhac ku yimid nidaamkiisa dimoqraadiyadda.

Guddoomiyaha miisaaniyadda ee ururka Midawga Yurub Johannes Hahn ayaa sheegay in dalka Hungary uu haysto illaa bisha November 19-keeda, si uu wax uga qabto waalaca uu qabo ururka Midawga Yurub.

“Waxay ku saabsan tahay jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu yidhi Johannes Hahn oo ku sugan Brussels.

Tallaabo kasta oo lagu joojinayo lacagaha la siiyo dalka Hungary, waxay u baahan tahay inay isku raacaan dhammaan 27-ka waddan ee uu ka kooban yahay ururka Midawga Yurub.

Waxyar ka dib markii uu warkani soo baxay, Wasiirka Hungary u qaabilsan wada xaajoodka oo lagu magcaabo Tibor Navracsics ayaa sheegay inay jirto fursad wanaagsan oo ay dawladdiisu heshiis kula geli doonto ururka Midawga Yurub dhammaadka sannadkan, si ay u helaan lacagaha uga yimaadda ururkaas.

Toddobaadkii hore saraakiisha sarsare ee Hungary ayaa si cadho leh uga falceliyey hadal ka soo yeedhay baarlamaanka EU, kaas oo ansixiyey qaraar sheegay in dalka Hungary aanay ka jirin dimoqraadiyad buuxda, Xisbiga ka arrimiya dalka Hungary ayaa sheegay in Midawga Yurub ay markale soo weerarayaan dalkiisa Hungary.

Hase ahaatee madaxa shaqaalaha ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Hungary ayaa sheegay in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii ay u samayn lahayd koox gaar ah oo qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa, isla markaana ay la shaqaynayaan ururada aan dawliga ahayn, si ay u korjoogteeyaan, habka loo bixinayo dhaqaalaha ka yimaadda Midawga Yurub.

Viktor Orban oo markii afraad dib loogu doortay dalka Hungary bishii April ee sannadkan ayay Midawga Yurub isku haystaan qodobo ay ka mid yihiin madaxbanaanida garsoorka, xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee damacu kala galo, warbaahinta iyo madaxbaanida diimaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.