Golaha Midowga Afrika ee (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada howlgalka midowfa Afrika ee ATMIS.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa kaddib u gudbiyay qoraal golaha ammaanka, si loo ansixiyo kordhinta dhimista (2,000) oo askari howlgalka ATMIS wixii ka dambeeya Bisha Diseembar 2022.
Midowga Afrika wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaallada dardargelinta ah ee ay DFS ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ku dhiirigeliyay dowladda inay si isku mid ah u sii laba jibaarto dadaalkeeda ku aaddan isku dhafka ciidamada si ay si hufan u hanato mas’uuliyadda amniga oo dhameystiran marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan.
Bishii Abril ee sannadkan ayay ahayd markii uu dhaqan galay howlgalka ATMIS, kadib markii uu dhamaday waajibaadkii AMISOM. Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in howlgalka ATMIS uu dhamaado 2024.