Dowladda Itoobiya ayaa heshiis beenaad ay ku dooneyso in ay ku hesho qeybo kamid ah badda Soomaaliya la gashay maamulka Somaliland, waxa ayna Itoobiya taa badalkeeda maamulkaasi u ballan-qaaday aqoonsi.
Heshiiskan ay kala saxiixdeen Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa si adag uga hor-timid dowladda Soomaaliya, waxa ayna dowladda soo saartay qaraar ay ku diideyso heshiiskaasi sharci-darada ah.
Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xad-gudbka Itoobiya ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, waxa ay sidoo kale Midowga Yurub garab istaag u muujiyeen dowladda Soomaaliya.
“Waxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo Dastuurka u yaala Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Yurub.
Dowladda Itoobiya ayaa marar badan ku hamineysay in ay hesho bad iyo dekad, waxa uuna hadda doonayaa Ra’isul Wasaare Abiy Axmed hirgelinta hamiga Itoobiya, isagoona markaan doonaaya xoog iyo xeyladba in ay ku helaan biyaha Soomaaliya qeybo kamid ah