Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay gudaha degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir.
Qaraxa ayaa ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmadaasi oo lagu magacaabayay Cali Cabdi Geedi Fara Yare.
Sida dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen waxaa qaraxaasi ku dhintay guddoomiye waaxeedkaasi iyo askari la socday, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee barafuunka oo ku taalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo la xariira qaraxaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa.
Tan iyo markii la galay bishan barakeysan ee Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka caasimadda.