Home Afsomali Fargeeti “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa...

Fargeeti “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa Qasnada dowlada ku jirtay”

Wasiirkii hore Maaliyadda ee Xukuumaddii hore Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in markii uu xilka wareejinayay ay ugu tageen Qasnada dowladda in ka badan 5-milyan oo dollar.

Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal xalay ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa markii xilka loo magacaabayay uu ugu yimid, iyadoo aanay Qasnada dowladda waxba ku jirin.

“Waxaan ugu nimid halkan oo aan aniga Ra’isul Wasaare ka noqday, iyadoo Akoonka Dowladda aanay lacag ku jirin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkan xalay ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Xukuumadda.

Hase ahaatee Wariyaha Jowhar.com ayaa qadka taleefanka kula xiriiray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti, si uu wax uga weydiiyo hadalka ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha.

“Markii aan xilka wareejinay waxaa Qasnada dowladda ku jirtay in ka badan 5-milyan oo dollar, waxaa ogaa  Bankiga Dhexe iyo Hanti dhowrka, hadii loo baahdana cadeymo waa soo bandhigeynaa”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti

Khudbadii xalay uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyay Munaasabadii lagu soo bandhigayay Waxqabadka Xukuumaddiisa ayaa ahaa kuwo mararka qaar uu ku durayay Xukuumaddii hore, isla markaana howl walba oo la soo qabtay ka soo bilaabay mid eber ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.