Home Afsomali Modoobe Nuunow Maxamed oo ka mid Noqday Masuuliyiinii ku geeriyootay qaraxii ka...

Modoobe Nuunow Maxamed oo ka mid Noqday Masuuliyiinii ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho


Madoobe nuunow oo ka tirsanaa Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarka Alshabaab ku qaaday hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada
Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad weyn lagu dhiftay afaafka hore ee Hotelka Naasahablood 2, waxaana waxyeelo soo gaartay dad marayay wadada gaari saarnaa.

Wasiirkii arrimaha gudaha K/Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ku geeriyooday
weerarka Alshabaab ku qaadeen hotelka oo uu ku sugnaa xilligaasi, wuxuuna ka mid
noqdy mas;uuliyiinta ku dhintay Hotelka Naasa-hablood 2.

Madoobe Nuunow oo sidoo kale xilal illaa heer wasiir ah ka soo qabtay xukuumadihii kmg ahaa ee Somalia ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta mudada dheer degenaa hotelkaas marka uu joogo magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Madoobe Nuunow ayaa hore u soo ahaa muddo dheer xildhibaan
ka tirsan dowladda Federaalka iyo wasiir, isagoo soo qabtay xilalka wasiirka
warfaafinta dowladii C/llaahi Yuusuf iyo Wasiirka Dastuurka dowladii Sheekh
Shariif.

Waxaa qaraxyada iyo weerarka lagu qaaday Hotelka ku dhintay Ex. Xildhibaan
C/Naasir Gaarane iyo taliyihii booliska degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka ayaa wali is weydaarsanaya rasaas culus, waxaana la maqlayaa qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay adeegsanayaan dableyda hubeysan.

goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa kaddib rasaas laga maqlay gudaha Hotelka, isla markaana ay aheyd kuwo la is dhaafsanayay.

Tirada dadka ku dhintay weerarka galabta illaa caawa ka socda Muqdisho ayaa gaartay illaa 27 ruux, iyadoo dhaawacuna gaaray ku dhowaad 40 kale sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo saraakiisha caafimaadka Isbitaalada la geeyey dhaawacyada.

Hotelka ayaa waxaa la dejiyay wafdi ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee maanta illaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasahablood 2.

Qaraxa ayaa  marka laga tago kuwa ku geeriyooday  saameynta ugu xooggan ka soo gaartay  goobo ganacsi ku dhowaa Hotelka, sida maqaayada caanka ah ee Banooda oo galbihii dadka fariistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.