Home Afsomali Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la horgeeyey Xildhibaanada...

Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la horgeeyey Xildhibaanada maamaulkaas

66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayay ku eedeeyeen ku takfal Awoodeeda iyo in uu sidoo kale ku fashilmay qabsoomida kulamada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in uu faragalin joogto ah uu ku haayo laanta fulinta, islamarkaana uu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa xusay in uu jabiye Gudoomiye Barre Dastuurka maamulka Hirshabeelle, islamarkaana xilka qaadis lagu sameeyay Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle uu diiday.

Xildhibaanadaan ayaa taageersan Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, waxaana mudooyinkii dambe oo ifbaxayay Khilaaf Xoogan oo u dhexeeyo Dr Waare iyo Gudoonka Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ka dalbaday inuu keeno Xisaab xirka lacag dhan toban kun oo doolar oo bil waliba uu ka qaadan jiray Guddoonka Golaha Shacabka soomaaliya, taasi oo ay sheegeen inaysan soo gaarin Baarlamaanka Hirshabelle.

Halkaan hoose ka akhriso mooshinka laga gudbiyey

 

Previous articleFull VIDEO Cumar finish Bandowga waa Xad gudub waana idinla qabaa
Next articleAwood-darrida Farmaajo ee ah inuu sii taliyo, iyo Qoraaladii Caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.