Home Afsomali Mooshin ka dhan ah Xamze bare oo la doonayo in xilka looga...

Mooshin ka dhan ah Xamze bare oo la doonayo in xilka looga xayuubiyo òo ka socdo dalka iyo dibada

Xilka qaadista Xamze bare iyo Xildiibaan maareeye oo yiri

Xildhibaano aanu saaxiibonahay oo meelo kala duwan jooga ayaa habeenadan ila soo xidhiidhaya oo igala hadlaya in aan ka qayb-qaato kambayn-ka Mooshin lagu ridayo Xakuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.

Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse hadana in aanan jecelayn in la rido xukuumada, waayo waxaan ku faraxsanahay oo dawladda ku amaanayaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo sida ay wax uga qabatay Amniga Magaalooyinka qaar sida Muqdisho, hadii hada la furo muran siyaasadeed ama xukuumada la ridona wax waliba waxay ku noqonayaan zero.

ilaa xiligii UNITAF ee 1993, waxaan u soo joogay oo qibrad weyn u leeyahay sida markasta oo Soomaaliya ay u soo ifto nabad, deganaansho iyo dawladnimo sida ay dawlado caan ah oo la yaqaan oo adeegsanaya Wakiilo gudaha ah oo marxali ah (marba ninkii xanaaqsan ee dareen qabiil ama mid xil shidayo) dhabarka uga jebin jireen oo u kala tuuri jireen rajada iyo dawlad dhiska ummadda Soomaaliyeed.

Maanta oo Mooshin iyo buuq siyaasadeed la furo waxay la mid tahay Shabaab waa sii jabayaa haloo hiiliyo oo dalka ha joogo, deynta ayaa la cafinayaa oo dalka maalgashi baa imaanaya ee hala kala tuuro oo dalka iyo dadku tuugsigoodii ha ku sii jireen, shirarkii Madasha, Dhameystirka Dastuurka, dhismaha Dawlad dhiska ee hawluhu ka socdaan hala istaajiyo, waxaasoo dhana sidii aan arki jiray waxaa dabada ka riixaya oo Qarash ku bixinaya Dawlado Shisheeye. Xildhibaanada walaalahay ah waxaan kula talinayaa yaan sidaas la yeelin ee dalka iyo dadka haloo tudho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.