Home Afsomali Moussa Faki Mahamat oo fariin xasaasi ah u soo diray madaxda Soomaalida

Moussa Faki Mahamat oo fariin xasaasi ah u soo diray madaxda Soomaalida

Midowga Afrika oo fariin xasaasi ah u soo diray madaxda Soomaalida

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa soo dhoweeyay jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya kadib shirkii wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacay.

Faki ayaa sheegay inuu dhiirigelinayo go’aanka Golaha wadatashiga Qaran ee Somalia ee ah in doorashada Aqalka Hoose si xor oo daahfurnaan ah lagu soo gabagabeeyo 25-ka Febraayo wuxuuna ugu baaqay iney ilaaliyaan jadwalka cusub.

“Talaabadan ay qaadeen madaxda Soomaalida waxay si buuxda u ixtiraamaysaa heshiisyadii Doorashada ee Sebtembar 17, 2020, iyo May 27, 2021, heshiisyada iyo habraaca doorashada Oktoobar 1, 2020, iyo Ogosto 24, 2021” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat

Guddoomiyaha Midowga Afrika Faki waxa uu ku celiyay mowqifka Midowga Afrika ee ah in doorashooyinku noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo taasoo muhiim u ah Soomaaliya iney yeelato hogaan dowladeed oo sharci ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.