Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya Ing. Cabdi Canshuur Xasan ayaa xilka ka qaaday ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi.
Wareegto ka soo baxday Wasiirka ayaa sidoo loogu magacaabay Ku-simaha agaasimaha guud ee Wasaaradaas C/raxmaan Macalin Caddow.
Ing. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sabab uga dhigay xilka qaadista agaasimaha dhowr sababood oo ay ka mid yihiin talooyin badan oo ku saabsan toosin mas’uuliyadeed oo kusimaha agaasimaha ay la wadaageen mas’uuliyiinta wasaaradda, isla markaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka howlaha wasaaradda oo ay ugu horeyso diyaarinta sharciga isgaarsiinta Qaranka.
Wasiirka Boostada, isgaarsiinta ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee 24 saac gudahood xil ka qaadis ku sameeya masuul ka howlgalayey wasaaradiisa, shalay ayeyna aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha uu xilkii ka qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee wasaarada arrimaha gudaha, taasoo muran badan dhalisay inkastoo haatan la xaliyey.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view