Home Afsomali Mucaarad Dowladeed mise Qaran Dumiyayaal “Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ka faa’ideysanaya fursadaha ay...

Mucaarad Dowladeed mise Qaran Dumiyayaal “Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ka faa’ideysanaya fursadaha ay dayacday dowladda Soomaaliya ByA M -December 12, 20172057

Kooxdda mucaaradka ku ah hogaanka Dowladda Somalia ayaa badalay qeyb ka mid ah hanaankii ay markii hore wax ku wadeen iyagoo bilaabay iney soo jiitaan qabaa’ilka, culimadda iyo qeybaha kale ee bulshadda ,waxey u muuqdaan kuwa xooga saaraya iney dadka iyo dowladda iska hor keenaan.

10kii cisho ee lasoo dhaafay waxey la kulmeen duubabka dhaqanka ee beesha Mudulood iyo Hay’adda culimadda Soomaaliyeed, warar madaxbanaan ayaa sheegaya in kulankii mucaaradka iyo culimada la isku mari waayay oo madal kale loo balamay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa horey ugu eedeyay culimadda iney mushaar ka qaataan Dowladda, taas ayaa loo arkaa mida keentay in la isku mari waayo kulanka.

Hay’adda culimadda oo ay Shiikh Bashiir Axmed Salaad iyo Shiikh Nuur Baaruud Gurxan madax ka yihiin ayaa hadda dhexda uga jirta marxalad kala jeedisho ah, waxaa dadka qaar cabsi ka qabaan sidda ay ku socoto howsha hay’adda culimadda.

Dowladda Somalia ayaa hadda ku qasban iney dib u fur furto xarkaha ay mucaaradku xireen si aan looga leexsan bulshadda, waxa kaloo jirta madal uu sameeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loogu talo galay in lagu badalo aragtidda dhalinyarada taabacsan Dowladda, dhinacyadaan oo dhan waa meelo ay Dowladdu ka jiifatay oo ay u aragtay ineysan ahmiyad badan laheyn.

Mucaaradka oo markii hore oo dhowr qeybood ahaa ayaa waxaa dhankooda u socda kulamo lagu mideynaayo ujeedooyinkooda, waxaa tusaale kuugu filan in xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir uu hareer fadhiyay Cabdiraxman Cabdishakur ,kulankii ay wada qaateen mucaaradka iyo hay’adda culimadda.

Fursado badan oo ay dayacday Dowladda madaxweyne Farmaajo ayey ka faa’iideysanayan kooxaha mucaaradka, mida ugu muhiimsan waa isku duwidda iyo hagida qeybaha bulshadda gaar ahaan qaba’ilka caasimadda dagan.

Dowladdu waxey heli kartaa dhowr qaab oo ay shacabka ku hagi karto kagana bad baadin karto iney gacanta u galaan mucaaradka oo ay fikradahooda qaataan.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.