Home Afsomali Mucaaradow waa yeelkadiin Mooshinkii waa laga noqdee ka gooya caloosha taas

Mucaaradow waa yeelkadiin Mooshinkii waa laga noqdee ka gooya caloosha taas

Wararka ayaa intaas ku daraaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo markii horeba qabtay Mooshinka in laga dhaadhiciyay in xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay uu ku qanciyo in qaab wadahadal ah cabashooyinka ay u qabaan madaxweynaha lagu xaliyo

Bismilaah:
Shacabka Somaliyeed, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Dhamaan inta jecel midnimada iyo Qaranimada somaliyed waxan u xaqiijinayaa in la soo Af jaray khilaafkii iyo kala aragti duwanaantii loona gudbay Midnimo, wada shaqeyn iyo dardar gelinta Howlaha balaadhan ee na horyaala:

Waxaa sharaf noo ah in xubnaha golaha shacabka, shacabka somaliyed iyo madaxda qaranka oo iskaashanaya ay ku filaaden xalinta khilaafka iyo kala aragti duwanaanta kana kaaftoomeen dhexdhexaadin shisheye:

Waxan mahad balaadhan u celinaya Guud ahaan shacbiga soomaaliyeed iyo Xubnaha golaha shacabka;
Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa xubnaha gudiga (Samatalis): ee xalinta khilaafaadka:

Waxaan rajeynayaa in maalmaha soo socda ay si habsami ah u bilaabanayaan Howlihii Caadiga ahaa ee Golaha Shacabka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.