Mucjisaadka. Q.2aad.
Mucjisaadka, Qur’aanka, Rasuulka SCW, Asaxaabta, iyo Aragtida Islaamka.
1. Xadiithka uu soo wariyay Saxaabigii Muslim. Rasuulkeena Muxamed SCW ayaa yiri: Haddii Dhibacda Maniyadu ey ku jirto ilma galeenka Hooyada Habeenka 42aad, waxaa Alla u soo diraa Malag waxaana loo sameeyaa Muuqaalkiisa, waxaana loo Abuuraa xubnaha Maqalka iyo Aragga. ma dhihin Rasuulku Habeenka 41aad ama Habeenka 43aad, waxa uu noo sheegay Tirada Saxda ah in ey tahay Habeenka 42aad. wakhtigaa ma jirin X-ray ama scan.
Culumada Seyniska ayaa Hadda na leh, waxaan ogaanay in Uur ku jirka oo marka hore leh Muuqaal u eg Noolaha kale in uu Habeenka 42aad uu yeesho muuqaal Beni Aadam. ( F.S:1& 2aad )
قال صلى الله عليه وسلم(اذا مر بالنطفة ثنتان وأربعون ليلة بعث الله إليها ملكا فصورها وخلق سمعها وبصرها)
2. Nuuc Dabeylo ah oo Dab kicinayo oo aan hore loo arag ayaa lagu Arkay Australia 2012, Brazil-na 2010. waxa ey ku magacaabeen Culumada Seynisku “Dabeyshii Dabka kicineysay” iyaga oo leh, waxa ey isku xogee Geedaha oo Dab uu ka dhalinaa Xoogga Dabeyshu, ama Inta ey socoto ayeey Dab shidnaa soo dul maree oo ey hore u soo qaadee. Waxa ey haddana yiraahdeen waxaan ogaanay Sannadkii 2015 in uu Dabku ku dhax jiro Dabeysha lafteeda taa oo ah wax nagu Cusub, waana Dabeyl caadi ah laakin Dab ku dhax jiro. magacii hore ee “Dabeeyshii Dabka kicineeyso” waxa ey u badaleed ” Dabeeyshii Dabku ku dhax jiray” Qur’aanka ayaa hore naloogu sheegay Suurada Al Baqra aayadda 266aad ,oo noo sii Saadaalisay 1400 sanno ka hor, oo leh: waxaa Asiibi Doono Dabeyl uu Dab ku dhax jiro, waana Gubee. waxaa Aayadda lagu yiri: kalmadda “Fiihi” oo ah Gudaha Dabeysha . ( F.S:3,4 &5aad)
[فأصابها اعصار فيه نار فاحترقت]سورة البقرة (٢٦٦)
3.Jaamacadda “Washington University” ayaa Sannadkii 2013 tiri: waxaa jiro Badda Hoosteeda, Hulaan gaareeyso 5000 Mitir, Mowjado Dhererkoodu yahay 500 mitir, Mowjadahaasi waxa ey ka xoog badan yihiin kuwa Sare ee aan aragno 10.000 jeer. waana Cilmi cusub in ey jiraan Laba Mowjadood oo hadda la ogaaday.
Qu’aanka Kariimka ah Suuratu “Al Nuur” Aayadda 40aad ayaa naloogu sheegay Mugdiga Badda Hulaan hoose waxaa Jiro Moowjado ey Dushooda yihiin Mowjado kale.
inta eyna Jaamacada Washington Ardaydeeda u sheegin ayaa 1400 sanno ka hor ardaydii Jaamacadda Maka iyo Madiino waxaa u sheegay Macalinkii Rasuulkii Alla u soo diray in uu wax baro Asxaabta iyo intii ka dambeysay Jiritaanka Labadda Mowjadood ee Badda. ( F. S:6 &7aad )
[أَوْ كَظُلُمَاتٍ فِي بَحْرٍ لُجِّيٍّ يَغْشَاهُ مَوْجٌ مِنْ فَوْقِهِ مَوْجٌ] سورة النور (٤٠)
4. Markii la tagay Qaaradda America Agagaarka “Hawai” ayaa la arkay Badda gudaheeda oo uu holac ka soo baxayo, kaa oo Boqolaal Mitir kor u kacayo, Godka ku yaal Bartama Badda ee uu ka soo baxayo, biyuhu ma galayaan si ey u damiyaan.
Ma ahan sida “Volcano” oo mar mar soo kacdo, kadibna Danto, waxa uu jiraa Holocaani Kumanaan sanno, mana damayo, looma soo dhawaa karo, Xatta lama fiiri karo kuleylkiisa Marka loo daawado. wakhtigaa Aayadaani ey soo dageeysay Dadku ma aqoon “America iyo Hawai”iyo halka ey ku taal. Allaah ayaa tusaale loogu goodinayo Gaalada u noogu sheegay Badda Gobaneeyso/Holceyso ayaan ku dhaartaye, Cadaabka Alle waa dhacaa. Fiiri Suurada Al duur aayadda 6-7aad. ( F.S: 8,9 &10aad )
[والبحر المسجور* ان عذاب ربك لواقع]سورة الطور (٧-٦)
5. Hayado iyo Dowlado Caalmiya ayaa na leh waxaan idin Bareynaa ” Xuquuqul insaanka ” Dhaqaalana waan idinku siineynaa. Xuuqda Insaanka Suurado Qur’aan iyo Axaadith badan ayaa naloogu sheegay. in Alla Dadka uuna u fiirin Madabkood iyo Jirkooda ee loo fiiriyo Taqwadooda.iyo in uuna Islaamku ogoleeyn Midab takoorka.
shir Sannadkii hore dhacay ayaa UN soo jeedisay in la ogolaado Mooshin ah “Bill for Global action against Racism and Discrimination” kaa oo ahaa in laga hor tago, midab takoorka iyo Cunsuriyadda Caalamka oo dhan. waxaa lagu casuumay 193 waddan. 106 waddan waa ogolaadeen, 14 waa diideen, 44 waa maqnaadeen, 29na Cod maleheeyn.
waxaa la yaab leh wadamada diiday in lala dagaalo midab takoorka, waxaa ka mid ah: Mareykanka, UK, Australia, Canada, Israel, France, Germany iyo Netherlands.
Haddaba kuwa dhaqaalaha kugu soo siinayo Dadkaaga bar Xuquuqda Beni aadamku Adiga ma kuu ogol yihiin Xaqaaga ah in aan lagu midab takoorin.
6. Allaah waxa uu Qur’aanka noogu sheegay in ey jiraan Laba Badood oo midna Macaan tahay midna qaraar Cusbo leh oo biyahoodu ey isa saaranyihiin oo aan isku milmeeyn, uuna u dhexeeyo Barzakh kala reebayo. Carabtii nooleed wakhtigaa Qaarkood wey beeniyeen iyaga oo leh, weligii Rasuulku isaguba ma arage Baddo sidaa ah ee sideey ku dhici kartaa?. muddo kadib markii Safarada Baddu bateen ayaa meela badan oo Caalamka ah lagu arkay. fiiri Suuradda Al furqaan, Aayadda 53aad. ( F.S:11aad )
[وهو الذي مرج البحرين هذا عذب فرات وهذا ملح أجاج وجعل بينهما برزخا وحجرا محجورا]سورة الفرقان (٥٣)
FG: Caawa aad ayaan u daalanaa, Madaxuna waa ii xanuunayay, waxaan huri waayay Ballantii aan qaarkiin Commentiga ugu qoray in qeybta 2aad aan u soo qori Doono 24 saac Gudahood.
FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku Dar.
Qore: Yahya Amir