arday dhigata schuol ku yaal dhanka bari ee magaalada Muqdisho oo ku sumoobay jalaato lagu iibinayey afaafka hore ee dhismaha schuol ka
waxaana u schuol kaani ku yaal deegaanka Muuse Maaxaay oo ka tirsan dagmada kaaraan
wararka ayaa sheegaya In ka badan 20 arday oo dhigta Iskuul ay ku sumoobay Jalaato ay cuneen, sida ay sheegeen maamulka Iskuulka iyo Goobjoogeyaal.
maamulka iskuulka
Iskuulka Hoose, dhexe iyo Sare ee Global qaybtiisa xaafadda Buulo-maaxaay ee Degmadda kaaraan ayaa lasheegay in ay ardaydu dibada u baxeen xiligii quraacda .
Goobjooge ayaa sheegay in Dadka Deegaanka, Maamulka Iskuulka iyo Waalidiinta qaar ka mid ah ardayda ay u gurmadeen ardayda Sumoowday.
Cusbitaalka keeysaneey oo ku yaala Degmadda Kaaraan ayaa loola cararay halaaki oo lala tacaalayo xaaladooda caafimaad .
Dhaqaatiirta Cusbitaalka ayaa sheegay in loo keenay arday Sumeeysan oo ay la tacaalayaan Xaaladooda Caafimaad.
Maamulaha Iskuulka ayaa Xaqiijiyay in ardaydu ay Jalaato ku sumoobeen, hadana baxnaanintooda lagu mashquulsanyahay.