Home Afsomali Muqdisho Bambo Gacmeyd lagu weeraray guri ay daganaayeen dad shacab ah

Muqdisho Bambo Gacmeyd lagu weeraray guri ay daganaayeen dad shacab ah

Bamb gacmeed Khasaare gaystay ayaa lagu weeraray guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla meel ku dhaw xarunta Degmada Yaaqshiid.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay laba ruux inay ku dhaawacmeen Bamkaasi, kuwaasi oo ahaa Gabdho ku sugnaa afaafka hore ee guriga Bambada lagu tuuray.

Gabdhaha ku dhaawacmay Bam gacmeedka, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fa’isa Axmed iyo Fahma Cabdulle, kuwaasi oo la geeyay dhaawacooda isbitaalada Magaalada Muqdisho.

 Guriga Bambada lagu tuuray ayaa wuxuu ku dhaw yahay Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir oo dhawaan guri ku gubtay ay ku dhinteen 5 caruur ah iyo hooyadeood halka aabihiina uu dhaqtarka jiifo  gubasho soo gaartay .

Sidoo kale isla xalay waxaa Bam gacmeed lagu weeraray ciidanka NISA ee degan Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan, iyadoo dhawaqa Bambada si wayn looga maqlay xaafadaha ku dhaw goobta ciidanka ku sugnaayeen.

Qaraxyada Bambooyinka ah ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaanan jirin cid loo soo qabtay illaa hadda, waxaana arrintan ka gaabiyay sida muuqata Hay’adaha ammaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.