Isku dhaca ayaa ka billowday Dhisme Guri oo laga waday Xaafadda Kaawo Godeey ee Degada Dharkenley,waxaana khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay uu kala yahay dhimashada askari ka mid ah dhinacyada dagaallamay Dhaawaca afar qof oo uu mid Askari yahay iyo saddex Carruur ah.
Mid ka mid ah Dadka Deggan Xaafadda Kaawo Godeey ayaa sheegay amniga xaafaddooda ay dhibaato ku hayaan Ciidamada oo isugu jira kuwa dowladda iyo Malleeshiyo beeleed dhowr jeer ku dagaallamay Xaafaddooda.
Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka xerada Tababarka (Dhagabadan) Ex Jaziira,waxana la sheegay in uu u dhaxeeyey Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo u abaabulan hab beeleed.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen ciidamadaas oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay iskuheystaan Dhul ku yaalla halka loo yaqaano xeradii hore ee rajo oo ku dhow Xerada Tababarka Jaziira.
Hal ruux ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaas uu ku geeriyooday halka 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhammaantood ah ciidamadii dagaalamay.
Maamulka degamda Wadajir ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.