Home Afsomali Muqdisho Ciidamo isku laayey gudaha saldhig bolice

Muqdisho Ciidamo isku laayey gudaha saldhig bolice

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay saldhiga degmada Yaaqshiid uu ku bilaawday ka dib markii uu saldhiga tegay taliyaha NISA u qaabildan deegaanka Daara-Salaam uuna isku dayay in uu gudaha lagalo ciidanka la socday.

Ciidamada booliska ee joogay saldhiga ayaa ka biya diiday in ciidanka hubaysan ay gudaha galaan, taas ayaana keentay in dagaal uu dhaxmaray labada ciidan.

Sida qof ka dhow saldhiga uu ii sheegay waxaa dagaalka ku dhintay 2 ka mida ciidanka la socday sarkaalka Daar-salaam u qaabilsanaa NISA halka ciidanka Booliska laga dilay hal askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.