Dab xoogan ayaa qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdishu, gaar ahaan agagaaraha Suuqa Khaliifa.
Dabka ayaa waxaa uu bilowday 1dii habeenimo xiligaMuqdisho , waxaana uu baabi’iyay qeybo badan oo suuqa uu ka kobanyahay.
Mudo ka dib ayaa waxaa la bilaabay dagaal lagu daminayo xili uu ku fiday qeybo badan oo ka mid ah suuqa waxaana bas belay dhismooyin badan oo jiingado ka sameysan oo qasaare xoogan uu gaaray qeybta suuqa khaliifa iyo qeybta lagu iibiyo dahabka iyo noocyada kala duwan ee bagaashka .
Sido kale dabka ayaa gaaray qeybaha subaga ,qoryaha ,dhuxusha,daqiiqda dharka iyo maacuunta.
Dadweyne aad u farabadan ayaa ku sii qulqulayo kuwaas oo ka ka kala yimid dagmooyinka Gobolka banaadir
Ganacsatada iyo milkiilayaasha guryaha gubanada ayaa waxaa ku wehliya qaar u soo tuugeysi tagay goobaha uu dabku ka kacay iyo doonaya in ay daawadaaan waxaana meesha ka marneyn qaar kale oo doonaya in ay ka qeybqaataan daminta dabka hantidana badbaadiyaan
Suuqa bakaara waa suuqa ugu weyn ee ganacsiga magaalada muqdishu. Horena dhawr jeer uga kacay dab iyo holac khasaare u geystey suuqaasi iyo hantidii taalley.
Sedex ruux ayaa ku Geeriyootay dabkii ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha Oo ay Gubteen Qeybo kamid ah Suuqaasi.
Waxana lagu Guuleystay Daminta Dabkaasi oo aad u xooganaa Sida ay Xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dabkan oo geystay khasaare hantiyeed oo aad u ballaaran ayaa dhinaca kale lagu waramayaa in uu sababay dhimashada 3 ruux halka dad kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Daminta Dabkaan ayaa la sheegay in ay ka qeybqaateen dabdmisyo farbadan iy ciidamada Amaanka oo iyagu sugayey Amaanka goobaha ay kasocotey baqtiinta dabkaasi weynaa ee baa’ bi iyey qeybo badan o suua ka mida.
hos ka dhageyso afhayeenka alshabaab
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0