Home Afsomali Muqdisho dadan iyo daalacan ayaa heysata gargaarkii turkiguna dowlada ayuu dhaafi waayey

Muqdisho dadan iyo daalacan ayaa heysata gargaarkii turkiguna dowlada ayuu dhaafi waayey

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Muqdisho dadan iyo daalacan ayaa heysata gargaarkii turkiguna waa ka muuqan  waayey

ma yara dhibaatooyinka la soo gudboonaaday Muqdisho nafley bogku socoto baribiyood iyo dhamaan naaskeyda iyo geedo  oo idil .

Dhamaan Dhibka  iyo dib u dhaca dalka iyo xaalaheeda ayaa u qeybsama kuwa la arko oo ishu qabato oo lagu magacaabi karo daalacan sida dagaalada qaraxyada dilalka mooshinada barlamaanka amarada madaxdu soo saaraan safarada shirarka dhaca ciidamada Amisom wararkooda waxqabadka maamulka Gobolka banaadir  .

Sidoo kale dadan ayaa barbar socoto waana kuwa joogto ah waxna laga qaban karin sida

Dhibaatooyinkaasi u kala baxaan kuwo aadanuhu gacmiisa ku kensaday sida dagaalada qaraxyada fatahaada iyo daadadka wabyada dilka tahriibka biyo la,aanta koronto la,aanta Mushaar la.aanta ciidamada iyo shaqaalha dowlada  isboobka iyo kuwo rabaani ah sida abaaraha cudurada iyo WLM   waxayna saameysay qeyb kasta oo ka mid ah dalkeena hooyo  inkasto oo wax walbaahi xaga rabi ka qoran yihiin .

Arimaha Burcad badeeda waa kuwa ishu qabato balse taa bedelkeda lama arko lagamana hadlo maraatiibta shisheeye ee guraneysa qeybradka badda

waxaana ku xiran 22 dal in ka badan kun iyo laba boqol oo dhalinyaro somaliyeed ah sida uu dhawaan sheegay xafiska xeerilaalinta dalku

Taabadelkeda waxaana daaha ka qaadayaa silsilada dadan iyo daalacan oo qof kastana ku soo bandhigi karo dhaliil iyo amaan dhamaan somalidu waxa ay mudan tahay

Waxaa jira dhibaatooyinka kuwa aan muuqan sida dhulboobka musuqmaasuqa Howlihii looga fadhiyey inta badan wasaarahadah dowlada wax isdabarinta isbaaroyinka dhaca lagu haayo hantida qaranka deeq kuwa ku qaday darajada iyo abaalmarinada  waxbarasho kuwa dhaqaale  biyo iyo koronto la.aanta magaalada Muqdisho heysata iyo warbixinada saxaafada gudaha  .

biyo-dhaamin-1

Dalkeena Somaliya waxaa uu leeyahay cimilo aad uga wanaagsan mida ka jirta dalal badan oo dhalinteenu u tahriibaan wuxuu leeyahay laba wabi oo dhawaan la sheegay in Biyihii ay leexsatay dowlada |Ethiopia walow aan cadeyn rasmi ah loo heynin arintaa  iyo xeeb barwaaqo alle ku maneystay waa dal la shaqeyn saacad kasta iyo bil kasta oo aan laheyn qabow baraf wax kaa hor istaagaya in aad shaqo u kalaxdo .

ceelasha-biyaha

Wadamada horay u maray qaarkood waxaa ka jira qabow iyo baraf guriga aan laga soo bixi karin mudo bilooyin ah cadceedana ma helaan in ku filan ama sida aan dalkeena uga helno oo kale .

Hadaba guud ahaan dalka inta oo dhibaato iyo in ka badan ayaa ka dhacday waxaana mowduuceenaan uga hadleynaa oo aan ku soo qaadaneynaa biyo iyo koronto la.aanta heysata magaalada Muqdisho caasimada soomaaliya

Waxaan wada ogsoo nahay in dhicitaankii dowladii dhexe ee dalka ay magaaladu laheyd koronto iyo biyo dowladeed oo aan dhaliil laheyn taasi oo laga helayey guri kasta  Qasabad tubo biyo nadiif ah oo macaan laga cabayey halka korontada dowladuna ay ka iman jirtay wakaaladii xooga korontada umadda dibishanso xarumihiisa jasiira iyo xamarweyne .

w-x-k-u

Dhanka biyaha magaaladu waxay laheyd haamo keyd biyo ah waxaana ka mid aheyd tii ku taalay agagaarka warshadii caanaha oo hada dadka intiisa badan aqoonba u laheyn waxaana daadku qaaday ugu horeyntii markii dagaladu dhaceen oo biyihii ugu danbeeyey xili aanay ka dhamaan dabley qabsatay ay iib ku bilowday ugu danbeyntiina dhismihii iyo haantiiba ka fuqsaday .

jabad-geel

Deegaanka Biyaha Waxaa ku yaal 19  ceel biyood kuwaasoo ay ka mid kuwii magaaladu biyaha ka heli jirtay oo aan mudooyinkaan danbe dayactir la,aan biyihii looga waayey waxaase la yaab leh dhamaan maamuladii dalka soo maray heyadihii deeqda dowladii waxay ku guuldareysteen in ay maalgalin daacad ah ku sameeyaan waxaana la mid ah deegaanka jabad geel waa halka loo yaqaan ceelasha biyaha waxaa ku yal 19 ceel biyood kuwaa oo magaaladu biyaha ka heli jirtay waxeyna isku cudur noqdeen kuwii ceel carfiid oo dayactir loma waayine wadaniyad ayaa la waayey .

Sidoo kale dhismihii karontada magaalada waxaa maalgashi ku sameeyesta ganacsato korontadii dalka ka dhigta tan ugu qiimaha badan caalamka intiisa kale saldhigii korontada jasiira new bower project   ayaa si sax ah loo ogeyn halka uu cirib iyo jaandhigay Xaruntii Xamar weyne ayaa ganacsato miki u yeesheen waxayna ka baxday gacan dowladeed oo hada waa hanti si gaar ah loo leeyahay

Waxayna magaaladu laheyd xarumo yar yar oo intooda badan ku yaalay isgoysyada wadooyinka magaalada kuwaas iyagu hada waa la xoreystay dhulkii iyo dhismihiina danta gud ahaa hada waa hanti uu shaqsi si gaar ah u leehaya waxayna ka mid yihiin  arimaha dadan ee maamuladi dalka soo maray iska warsan halka qaarkod ay ku andacoonayaa in loo sharciyeeyey sida kaalihii shiidalaka oo dhamaantood ka baxay gacanta dowlada

Qiimaha Koronta ayaa Muqdisho gaaray halka ugu sareysa caalmka oo idil waxaana adeega koronta xeendaab ugu jiraa shirkado isu tagay lana baxay magacyo kuwaas oo aan qiimahoodu saleysneyn bulshada isticmaasha ayaa cabashooyin ka keena qiimaha xadiga ay isticmaalaan hadii lagu heshiin wayana shirkad kale in aad u wareegto ma fududo oo ugu yaraan waxaad soo iibsaneysaa qalab cusub sharuudaha aad buuxineysana waa in aad warqad cadeyn ah kala timaado shirkada aad is qabteen oo aad dooneysid in aad ka digo rogotid

 

Qofkii saacadiisu eber keento isagu wuxuu bixinayaa meelaha qaar lacago usan isticmaalin oo sharudihii hore ku jirtay waana adeegii dowlada looga baahnaa in ay bulshada u qabato waayo canshuurta weli dowlada hoose waa qaadaa daqligeeduna waa dadan lama oga halka uu ku baxo

isku soo wada duuboo ma jiro adeeg danta guud ee ay hirgaliyeen maamulada aan hab dowlad nimo u tababarneyn ee dalka ka hana qaaday waqtiyadaan danbe.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.