Koox Hoobiyaal ka tuurayay Xaafadda Buula-xuubey ee Degmada Wadajir ayaa mid ka mida la dilay, waxaana la qabtay Gaarigii ay Hoobiyaashu saarnaayeen.
Ciidamada Ammaanka ayaa Hareereyey Guri ay galeen Koox Hoobiyaal ka dhex tuurayay Xaafadda Buula-xuubeey ee Degmada Wadajir ee Muqdisho.
Ciidanka Amniga ayaa Gudaha u galay Guri uu galay mid ka mida Kooxdii Hoobiyaasha Tuureysay, waxaana laga soo badbaadiyay Dadkii Guriga degenaa.
Waxaana markii danbe Ciidanka NISA ay Dileen Ninkii Guriga galay, waxaana isla waqtigiiba Qarxay Gaarigii la qabtay ee Hoobiyaasha laga tuurayay.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0