Home Afsomali Muqdisho Doorashada ka socoto oo wadooyika loo xirey ( DAAWO SAWIRADA )

Muqdisho Doorashada ka socoto oo wadooyika loo xirey ( DAAWO SAWIRADA )

Wadooyinka ugu waa weyn Magaalada Muqdisho ayaa intooda badan xiran si ammaanka loo adkeeyo, waxaana la soo dhoobay Ciidamo dheeraad ah.

Wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho ayaa xiran sida wadada Makkah Almukaramah  oo  ka xiran isgoysyada, KM4, Soobe iyo Debka, mana loo ogolaa in ay Maraan  Gaadiidka.

Waxaa sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa looga baxo magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka gaaf wareegaya gaadiid dagaal oo ay la socdaan  ciidamo gaashaaman.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo  daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa in maanta ay Doortaan Guddoomiyaha

Baarlamaanka cusub oo ay ku loolamayaan Musharaxiin dhowr ah.

 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.