Home Afsomali Muqdisho Gudiga Anshax marinta garsoorayaasha oo La magacaabay

Muqdisho Gudiga Anshax marinta garsoorayaasha oo La magacaabay

Degreeto ka soo baxday xafiiska xeerilaaliyahay guud ee Qaran oo lagu magacaabay guddi loogu magac daray gudiga Anshaxa xeerilaaliyaasha taasi oo u muuqata Mid lagu xakemynaayo awooda iyo ku tagri falka xeerilaalinta si qalad uu uga dhicin

Nuqul ka mid ah oo ay heshay somalisan.com ayaa sidaa u qoraa

Ku dhamaan ku xigeenada Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka .

Ujeedo Magacaabid Guddi

Dhamaan ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa lagu wargalinayaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 11-10-2017 uu xeer ilaaliyaha guud ee qaranku magacaabay guddi ka kooban sadax xubnood oo kala ah xeer ilaaliyaha guud iyo laba xeerilaaliye ku xigeen kuwaas oo wax ka qabanaya arrimaha anshax marinta xeer ilaaliyayaasha , sida uu qorayo Buuga Habdhaqanka Xirfadeedka ee Xubnaha xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka jamhuuriyadda federalka soomaaliya qodobka 11aad :Nidaamka Anshaxmarinta xeer-ilaaliyayaasha farqadda 2aad.

guddiga

  1. Dr .Axmed Cali Daahir
  2. Axmed Cali Abuukar ( Ku xigeenka Xeerilaaliyaha guud ee qaranka )
  3. Cabdiweli Axmed Cumar ( ku xigeenka Xeerilaaliyaha gud ee qaranka )

Haddaba Xeer ilaaliyaha guud ee qranka wuxuu mar labaad ku wargalinayaa Dhamaan ku xigeenada Xeer ilaaliyaha guud in la magacaabay Guddiga sare ku xusan ,Maadaama ay badatay shaqo gudasho la.aanta xeer ilaaliyaasha ,awaamiirta aan si fiican loo fullin iyo xil gudasho la.aan baahsan

mahasanidiin

warqada ayaa waxaa ku saxiixan xeerilaaliyaha guud ee qaranka Dr .Axmed Cali Daahir

Garsoorayaasha  iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa isweydiineysa magacaabida gudigaan in uu waafaqsan yahay Dasturka qaranka Gaar ahaan Qodobada ka hadlayo golaha adeega garsoorka.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.