Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen labo Wiil oo dhalinyaro ahaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaageystay dilka Labadda wiil ee dhalinyaradda ahaa,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Daqiiqado kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo goobta ka sameyay baaritaan.
Xalay xiligii afurka kadib waxaa sidaan oo kale goobta loogu dilay labo wiil oo dhalinyaro ahaa.
Dhanka kale Askari katirsan ciidamada Minishiibiyada gobolka Banaadir ayaa goordhaw afaafka hore ee xarunta degmada Waabari waxa uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo watay Mootada loo yaqaan Bajaajta.
Goob joogayaal ayaa ku waramay askari katirsan ciidanka Minishiibiyada ee canshuuraha ka qaada Bajaajta uu toogtay wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto bajaaj, waxaana askariga wiilkaasi madaxa kaga dhuftay xabad uu ku riday.
Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, meydka wiilka la dilay ayaa daqiiqado kadib laga qaaday goobta lagu dilay, waxaana meydka la geeyay xarunta Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.
Wali lama oga sababta uu askarigan katirsan Ciidanka dowlada u dilay wiilkan shacabka ah, waxa uuna dilkan imaanaya xili askari katirsan Ciidanka Milatariga xalay afaafka hore ee Wasaarada Gaashaandhiga isna ku dilay nin darawal ka ahaa gaari BL ah.
Isbuucan kaliya magaalada Muqdisho ciidanmo katirsan dowlada Soomaaliya waxa ay siyaabo kala duwan ugu dileen dad shacab ah oo ku dhaw shan qof, waxaana dadkaasi la dilay labo kamid ah ahaayeen dhalinyarada ku shaqeysata Mooto bajaajta.
Nln isku dhax daldalay gurigiisa shibis ee magaalada Muqdisho
axaa maanta degmada Shibis ee gobolka Banaadir isku daldalay Oday 50 jir ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Showki.
Ninkaan Odayga ah ee is-daldalay ayaa waxa uu deganaa Xaafada lagu Magacaabo Maxfalka oo ka tirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir,waxana la sheegay in xalay uu isku-daldalay hoygiisa dhexdiisa.
Dad deris la ah Odaygaas ayaa waxa ay sheegeen in saakay Waaberigii Odaygaas lagu dhex arkay gurigiisa isaga oo qoorta ugu jiro Xarig uu isku-daldalay,iyaga oo Magaciisa ku soo koobay Showki,kaas oo da’diisa lagu qiyaasay 50 jir.
Masuuliyiin ka tirisan Maamulka degmada Shibis ayaa waxa ay sheegeen in Ninkaas uu dhawaan ka yimid dalka Sweden, isla markaana sababta ugu weyn uu isku-daldalay ay tahay arrimo Qoys oo heystay.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwo naadir ku ah dalka balse sanadihii u dambeeyey lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.