Home Afsomali Muqdisho Kooxo Caadeystay dhaca Mobilada iyo agabyada kale ee Yaryar oo lagu...

Muqdisho Kooxo Caadeystay dhaca Mobilada iyo agabyada kale ee Yaryar oo lagu guuleystay in la soo katiinayeeyo gamcahana laga soo xirxiro

Maamulka Dagmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa gacnta kusoo dhigay wiil dhalin yara ah oo shacabka Dagmadaas xiliyada habeenkii ah ugeesan jiray dhac oo uu ka qadan jiray mobelada iyo hadba waxii markaasi ay wataan.

Sida Sawirka ka muuqda wiilkaan dhlinyarda ah ayaa dhaca ku geesan jiray qori ka sameesan Alwaax iyo biro la isu geeyay oo uu kga dhigi jiray nin ku hubeesan mid kamid ah qoryaha fud fudud.

Guddoomiyaha Degmada Kaaran Abdulfatah Nuur Cali oo ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay Wiilkaasi Tuugga ah iyo waxyaabaha uu Dadka ku dhici jiray, ayaa sheegay in ay Ciidamada Ammaanka ee Degmada ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo Wiilkaasi oo Dadweynuhu ay khaati ka joogeen, isagoo intaasi raaciyay in loo gudbin doono Hey’adaha ku shaqada leh Dacwadiisa.

kaasi oo loo ekeysiiyay Qoriga AK 47.

Maamulka Dagmada Karaan oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ay ciidamada amaanka Dagmadas ay ku guuleysteen soo qabashada tuugaas dhaca ka geesn jiray Dagmada isla mrkaaana uu ku xeranyahay Saldhigga Dagmada Kaaraan.

Dhanka Kale Dadka Shacabka ah ee reer kaaraan ayaa soo dhaweeyay tallaabadan lagu soo qabtay tuugii dhaca ugeesan jiray iyada oo inta badan uu ahaa mid dhaca la bar tilmaameedsada Haweynka iyo Dadka da,aada ah.

Gudoomiyaha Dagmada Kaaraan C/fitaax Xaaji Nuur oo ka arintaas ayaa bogaadiyay Ciidamada amaanka Dagmada iyo wada shaqeentii mira dhashay ee dhex martay shcabka iyo ciidamda taas oo suura galisay soo qabashada bur cadkaas masaakiinta dhibaanteen jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.