Home Afsomali Muqdisho Kooxo hubeysan ootoogasho ku dilay Maxamed Xasan Abdi Cambuulo

Muqdisho Kooxo hubeysan ootoogasho ku dilay Maxamed Xasan Abdi Cambuulo

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa saakay xaafada Cali Shire ee Degmada Howl Wadaag waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ku shaqeesanayay Mooto Bajaaj.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa doonayay in ninkan dhalinyarada ah ka dhacaan mooto bajaaj uu watay, hasa ahaatee ninka dhalinyarada ayaa la sheegay in uu ka dhaga adeegay sidaasna lagu toogtay.

Ninka la dilay oo kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ahaa Xaafada MBC ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Abdi Cambuulo , waxaana baxsaday kooxihii hubeesnaa ee ka dambeeyay dilka wiilkaasi.

Ciidamo katirsan booliiska ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada amaanka ku guul dareesteen in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii hubeesnaa ee dilka geestay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dhac loo geesanayo mootooyinka bajaajta, waxaana mararka qaar dhacda in kooxaha burcada ah ay toogtaan dhalinyarada ka biyo diida in mootada laga dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.