Home Afsomali Muqdisho Miino lagu soo qariyey gaarigan oo lagu qarxiyey goob minishiibiyadu canshuur...

Muqdisho Miino lagu soo qariyey gaarigan oo lagu qarxiyey goob minishiibiyadu canshuur ku qaadaysay

Sidda ay xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Shacabka ku sugan Xaafadda Siinay ee Magaalada Muqdisho Qarax ayaa goor dhow halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso oo lagu soo hoos qariyay Gaari gacan ka dib lasoo dhigay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa qaadda Canshuurta.

Qaraxa ayaa dhacay qeybta Khudaarta ee Suuqa Siinay, waxaana ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Minishiibiyadda.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen howlgallo.

Ciidamada Qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay ku howlnaayeen qaadista Canshuuraha , waxaana la sheegay in ay kasoo degteen gaari nooca raaxadda ah oo ay wateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.