Home Afsomali Muqdisho oo ay weli ka Qarxayaan Miinoooyin dhulka la isugu aaso...

Muqdisho oo ay weli ka Qarxayaan Miinoooyin dhulka la isugu aaso iyo isrisaaseyn u dhaxeyso wiilal wada soomaali ah

qasaare ayaa ka dhashay qarax miino nooca dhulka lagu aaso oo la kacday askar saarneyd gaari kuwa dagaalka ah ee Militiriga Dowlada Soomaaliya Qarax miino lala beegsaday.

Qaraxa Miinada ayaa Waxaa la sheegay in la dhigay Wadada dhinaceeda,islamarkaana uu haleelay gaariga Cabdi Bile oo  ay saarnaayen askarta ka tirsan militiriga Dowlada Soomaaliya.

Xildhibaan hore cumar dhabad ayey galbinayeen xili uu ku sii jeeday xarunta wasaarada gaashaan dhiga iyada oo ay dhaxda u galeen kooxo hubeysan oo ilaa hada aan la garan

Inta la Xaqiijiyay Sedex Askari ayaa ku dhaawacantay Qarax miino,inkastoo aan la ogeyn Tirada rasmiga ah  ee ku geeryootay qaraxaas

Goobjoogayaal ku sugan Haanta Dheer ayaa sheegaya in ay maqleen jug culus,islamarkaana ay arkeen Qiiq iyo uuro ka baxaysa goobta,halkaasina uu yaalay gaari ciidan.

Qaraxa ka dib wada haanta dheer ayaa xabado ka dhaceen ka dib markii gaai cabdi bile iyo mid kale oo horsocdo risaas lagu furay taasi oo ay ka jawaabeen ciidamadii saarkaa gaaliga tiknida ah waxaana ay xabadaha ridayeen ilaa inta u dhaxeysa kuliyadii jaalle siyaad iyo Ex control Afgoye lama sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay isrisaaseynta danbe

waa markii labaad oo xildhibaankaan lagu weeraro isla wadadaan waxaana horey werar lagu qaaday ku geeriyooday wiil uu dhalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.