Home Afsomali Muqdisho oo lagu qabtay nin ku labisan dharka dumarka

Muqdisho oo lagu qabtay nin ku labisan dharka dumarka

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir ka qabtay nin soo xertay dharka dumarka oo ku sugnaa Xaafadda Godey ee degmadaasi.

 

Dadka degaanka ayaa Ciidamada ku wargeliyay ninkaan oo dhaxmarayay Xaafadda Godey sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka ee degmada.

 

Mas’uul katirsan maamulka degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa somalisan.com u sheegay in ninka la soo qabtay lagu wareejiyay Hey’adda dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee CID.

 

Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya oo diiday in codkiisa aan adeegsano ayaa sheegay in ninka la soo qabtay la aaminsan yahay inuu katirsan yahay Al-shabaab ama daacish sirdoona uu ahaa.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay wajaheyso dhibaatooyin daran oo dhinaca amniga ah.

 

Waxaa soo badanaya Qaraxyada, dilalka iyo falal kale oo amniga wax dhimaya balse waxaa jira dadaal ay wadaan Booliiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.