Home Afsomali Muqdisho oo Noqotay Magaalo leh CCTV caamirooyinka Amaanka

Muqdisho oo Noqotay Magaalo leh CCTV caamirooyinka Amaanka

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV, iyadoo laga duulaayo suggida ammaanka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa kala duwan ee wadooyinka ay ku xiran tahay kaamiradaasi.

Ilaa hada dadka waxa ay hadal hayaan wadada Maka Al-Mukarama meelo ka mid ah oo lagu arkay baalayaal lagu xiray Kaamirada Qarsoon ee CCTV.

Laga soo bilaabo dhanka Tiyaatarka ilaa Isgoyska Soobe inta u dhaxeysa ayaa la suray baalayaasha lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, si halkaasi loogala socdo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee la xiriira dhanka ammaanka.

Arintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo si weyn loogu diyaargaroobayo suggida ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalinta Arbacada ah ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha dalka, waxaana si aad ah loo wadaa qorshooyin kala duwan oo la xiriira ammaanka caasimada.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, horay waxa ay ugu xirnaan jireen xarumo fara ku tiris ah oo ah xarumaha dowladda, sida Madaxtooyada iyo meelaha kale ee Hay’adaha amniga ay degan yihiin, balse markii ugu horeysay ayeey noqonaysaa in wadada maka Al-Mukarama meelo ka mid ah lagu arko kaamiradan.

Carwooyinka ku yaal Muqdisho iyo xarumaha waaweyn ee ganacsiyada ayaa horay looga isticmaali jiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa dadka soo gala xarumahaasi.

Mida kale ilaa hada ma jirto cid si rasmiya u sheegatey in ay iyagu wadaan howshaan baaxada leh ee uu ku baxayo qarashka faraha badan oo lagu xirey ila 4 km dhul gaaraya.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.