Home Afsomali ( DAAWO SAWIRADA ) Muqdisho qarax weyn oo loo adeegsaday gaari nuuca...

( DAAWO SAWIRADA ) Muqdisho qarax weyn oo loo adeegsaday gaari nuuca waaraadka U.D Candha meydle ee xamuulka qaada ayaa geystay dhimasho dad badan dhaawacyo

Qaraxa Muqdisho  (3)

Muqdisho qarax weyn oo loo adeegsaday gaari nuuca waaraadka U.D Candha meydle ee xamuulka qaada  ayaa geystay dhimasho dad badan dhaawacyo iyo burbur xooga waxaana ku jira dadka waxyeeladu soo gaartay saraakiil ciidan wariyaal iyo dad kale oo wadada marayey .

Weerarka ayaa bartilmameykiisu ahaa madaxtooyada somaliya balse waxaa ka hortagay ciidamada albaabka madaxtooyada ilaalada ka haa .

Gaariga ayaa xoog ku soo dhaafay bar koontrol oo jidgooyo u taalay ciidanka ayaa risaas ka kadaba furay wuxuuna xawaare ku gaaray albabka hore ee madaxtooyada laga galo halkaas oo uu isku qarxiyey .

Firirka gaariga iyo biraha kaduulay ayaa wadada buuxdhaafiyey waxayna gaareen masaafo ka fog halka uu qaraxu ka dhacay iyada oo jidka laamiga ah lagu aryey sidoo kale hilbo iyo xubno bani aadan.

Qaraxa Muqdisho  (4)

Hotelka s.y.l  ayaa waxaa shir amaanka looga hadlayo uga socday  hey.ahada amaanka shir uga socday waxaana markii qaraxu dhacay biro duulayo ugu tageen gudaha hotelka taasi oo dhawacyo kala duwan ka soo gaareen wariyayaal ku sugnaa goobta .

Wariyaasha ku dhaawacmay waxaa ka mid ah cabdifataax arisoona ,cabdifataax jeyte , maxamed xasan national qeys ,cabdi adan waxana sido kale dhawac fudud soo garay maxamed xasan oo loo yaqaan beezaai waxaana darbi soo dumay uu xagatimi ka gaarsiiyey gacmaha .

Waryayasha dhaawacmay intaas waa ka badan yihiin balse magacyada kale dib ayaan u soo sheegi doonaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay wasiirada dhaawaca fudud soo gaaray wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, balse si rasmi ah looma xaqiijin dhaawaca soo gaaray wasiir Maareeye,

Qaraxa Muqdisho  (2)

Dhaawacyada mas’uuliyiinta ayaa ah kuwo ka dhashay burburka hool ay ku jireen oo ay ka socotay munaasabad aan illaa iyo hadda la sheegin.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 350 ruux waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 60 qof oo iskuugu jira shacab iyo ciidan .

Ciidamada ayaa xiray hal qof kaasi oo uruursanayey bilaha ka harey gaariga qarxay Wuxuuna u muuqday nin ay caruuri ka baahan tahay oo doonayey in uu biilka nolo maalmeydkiisa ah ka raadsado

Dad goobjoyaal ah ayaa shegay in ay aad uga xumaadeen xariga ninkaan biraha aruusanayey ee la qabtay.

Qaraxa Muqdisho  (1)

Weli ma cada tirade dhimasho iyo dhaawac waxaana sidoo kale ka hadlin qareaxaan masuuliyiinta dowlada iyo laamaha amaanka

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.