Home Afsomali Muqdisho qoysas guri ay daganaayeen uu ku dumay iyo qasaare ka dhimasho...

Muqdisho qoysas guri ay daganaayeen uu ku dumay iyo qasaare ka dhimasho iyo dhawac ka dhashay

Guri dumay

War deg deg ah Mid ka mid ah guryha qadiimiga ah ee sanado badan ka hor laga dhisay dagmada shangaani ee magaalada muqdisho oo goordhaweydbiskiis u dumay waxaana sovdo dadaal lagub soo badbaadinayo dadkii daganaa looga soo saarayo burburka dhismaha nolo ama Geeri sida lagu helaa

Dhisme dumay ayaa ka koobnaa labo dabaq oo ay daganaayeen qoysas in mudo ahba nabad ku daganaa .

Dadka deegaanka iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka dagmada ayaa ku howlan dedaalo lagu samata bixinayo dadkii daganaa dhismahaas oo qaarkood la soo sheegayo in gurigu markii u dumayey ku habsayey isla markaana ku maan yihiin burburka guriga hoostiisa.

Dadweyne aad u farabadan ayaa sameeyey gurmad bini adan nimo kuwaas oo badiilo ku qodayo ciida iyo dhagxaanata guriga ka hartay waxaana ku jira kuwa guriga ku noolaa hase ahaatee iyagu ka badbaaday waxaana warar hor dhac ay sheegayaan in burburka laga soo saaray meydadka ilaa 3 qof halka qaarkood iyaga oo badqaba la so badbaadiyey dhamaantoodna waxay ka tirsan yihiin qoysaskii guriga daganaa

 

Inta badan dhismooyinka qadiimiga ah eek u yaal dagmooyinka xamar weyne iyo shangaani ayey ka dhacdaa mararka qaarkood shilal noocaan oo kale ah waxaana u badan guryo la dhisay qarniyo ka hor oo baaliyoobay in kasta oo guryaha kale ee magaalada muqdisho ka qiimo yarey iib iyo kiraba

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.