Home Afsomali Muqdishooy murugada joogtada ah iyo maqalka qaraxyda kuu gaarka maxaa marti kaaga...

Muqdishooy murugada joogtada ah iyo maqalka qaraxyda kuu gaarka maxaa marti kaaga dhigay?

Waa maqaal aan ugu kuur galay mushkiladaha joogtada ah ee aan kaydkayga diiwaanka qorma uga dhigay “Tiiraayo joogta ah aan taag loo laheyn Muqdisheey ugaar tahay”

Magaalada Muqdisho ayaa marwaliba muuqaalo qurux iyo murugo ugaar ah marti u ahayd sanadihii lasoo dhaafay.

Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ayay Muqdisho muddo la ciir ciiraysay iyadoo ay bar bar soconayeen horumarro iyo dhiirranaan ay muujinayeen bulshada Muqdisho .

“Maqaalkaygan ayaan qaybta koowaad ee diiwaanka murugeed ee Muqdisho u gaarka ah kasoo qaaadan doonaa dilaalkii dhacay muddooyinkii dhawaa …..

*5tii bishaan ayaa Gacan ka xaqdaran ku dishay Nabaddoon Marxuum Gedi Firdhiye oo ahaa Oday mudnaa in dilkii gardarrada ahaa uu ugu dhintay madaxdu ay kaga tacsiyeeyso maadama ay awoodi wayday in ay dabagal iyo in ay soo qabtaan gacan kudhiig lihii dilay AU Sama wade Marxuum Xaaji Geedi.

-Marxuum Xaaji Geedi firdhiye wuxuu qaranka iyo caasimadda ugalay abaal wayn oo lama illaabaan ah marxuumka aya hantidiisii,dhulkiisii ay dhaxalka ulahaayeen caruurtiisii uhibeeyay in uu ku dhiso Xafiisyo degmo, saldhig police oo dhisimihiisu dhamaad yahay iyo masaajid lagu cibaadaysto,Marxuum Xaaji Geedi ayaa madaxdu u awoodi wayday Allaha Unaxariisto,marka laga reebo Xildhibaannada qaranka badankood tacsiyo aan joogsi lahayn naga soo gaartay.

*8dii julay waxaa Degmada Garasbaaley Marxuum Nabadoon Axmed Cabdulle waydoow ku dishay gacan ka xaqdaran iyadoo aan la qaban gacan kudhiigla yaaashii dilay nabaddoonka oo ahaa odayaashii udub dhaxaadka u ahaa horumarka maanta ka muuqda Degmada Garasbaaley .

*10kii julay dad masaakiina oo degmada Kaaraan loogu qaybinayay raashiin macaawina ah ayaa ciidamada xasilinta Xukuumaddu ula baxday xabado ku rusheeyay,halkasoo ay ku geeriyoodeen 4 qofood halka 3kalana ay ku dhaawacmeen dadka geeriyoday waxaa kujiray Gudoomiye waaxeed Degmada Kaaraan allaha unaxariistee.

*10kii july askari katirsan ciidamada ayaa lagu dilay Degmada wadajir iyadoo aan laqaban gacan kudhiigla yaashii dishay askarigaa xittaa madaxdu uma tagin familkii uu kabaxay askarigaa dhintay AU madaxdu in ay kawarqabto wuxuu katagay iska daaye.

*22kii Julay waxaa ladilay sarkaal katirsan booliska Soomaliyeed AU Marxuum Axmed Toosoow oo lagu dilay Degmada Dharkeenley waliba maydkiisa ayaa yaallay agagarka xaafadda loo yaqaano “Tabakaayo Madoow” muddo 30 daqiiqo oo lawaayay cid ugurmata kana qaada halkii dhibku kula dhacay.

*26kii july Askar ayaa isku laysay Madaxtoyo horteeda iyadoo uu ku geeriyooday kuna jiray AU Taliye Jiijile iyo ciiidamo gaaraya 8 halka dhaawacana lagu sheegay 6 taasoo ay ahayd ayaan darradii Muqdisho kadhacday ee aan qiilna loo heleyn.

“Qaybteeydii labaad lasocda Muqdisho murugada ugaarka ah xagee xalkeeda looga gaari la’yahay dhawaan ayaad ila wadaagi doontaan.

*Qeeybta labaad ayaan uga hadli doonaa qaraxyada iyo dilalka joogtada ah ee aan joogsiga lahayn *

(Moowloow Muqdisho adiga ayeey magan kuu tahay)

(Muqdishooy murugada joogtada ah iyo maqalka qaraxyda kuu gaarka maxaa marti kaaga dhigay? )

Mahadsanidiin Hassan Abdikadir Mudey .

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.