Home Afsomali Muqdisho oo lagu dhaawacay shacab ka banaan baxayey canshuur intaa la eg...

Muqdisho oo lagu dhaawacay shacab ka banaan baxayey canshuur intaa la eg ma bixin karo

Ciidamada Booliska degmada Cabdicasiis ayaa dhaawacay labo ruux oo ka mid ah dad Shacab ah oo Banaabax dhigaayay,kuwaasoo kasoo horjeeday Lacago Baad ah oo sheegay in ay ka qaadaan maamulka gobolka Banaadir.

Dadkaan ayaa sheegay in xubno ka tirsan Ciidamada Ammaanka ay dhibaato ku hayaan Suuqa Kalluunka ee Kulmis, xilli ay sheegeen in ay si joogto ah u bixiyaan Canshuuraha ku waajibay.

Dadkaan waxa ay sheegeen Markii ay muujiyeen dhibaatada lagu haayo in Ciidamada Ammaanka ay ka dhaawaceen Labo ruux oo ka mid ahaa dadka Xoogsatada ah ee ka Kalluumeysta Badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.