Home Afsomali Muran iyo kala shaki xaga marista wadooyinka ah oo soo kala dhaxgalay...

Muran iyo kala shaki xaga marista wadooyinka ah oo soo kala dhaxgalay saraakiisha iyo ciidamada milatariga iyo bolice ka

sida aanu la wada socono ciidamada bolice ku waxay ka mid yihiin ciidamada dowlada somalia kuwooda loo xil saaray nabadgalyada iyo amaanka magaalooyinka waxayna hoos tagaan wasaarda arimaha gudaaha oo aan muran ka taagneyn waxaana layiraahdaa marka la amaanayo waa hooyadii ciidanka oo macnaheedu yahay in dhisitaanka ciidanka uu ugu horeeyey ciidanka bolice ka xiligii daaqiliyada

hadaba waxaana kala shaki iyo khlilaaf soo kala dhax galay ciidamada bolice ka iyo milatariga wuxuuna u sii gudbay talisyada ciidamadaas oo la sheegay in uu gaaro in ciidamada bolice ka aysan qoryo la mari karin wadooyinka galay madaxtooyada ka dib markii dhowr jeer lagu soo weeraray dharka iyo astaanta ciidanka bolice ka sida aan ku heleyno warar hoose oo ka imanaya saraakiisha ciidamadaaas

Ciidanka booliiska ayaa loo diiday in ay maraan wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarkeeda, waxaana laga celiyay laga soo bilaabo Taalada Daljirka Daahsoon iyo Sayidka, halka sidoo kale loo diiday dhinaca Ceelgaabta.

saraakiil somalisan la hadashay ayaa sheegtay in aysan arintaasi suurta gal noqoneyn waxaayo ciidamada bolice ku waxay xarumo ku leeyihiin dhinacyada madaxtooyada sida taliska qeybta guud ee  oto oto ka soo horjeedka taalada sayid ka xerada cagdhiig ama laanta socotada  taliska guud ee wadada madaxtooyada gasha taliska qeybta gobolka banaaidr iyo sidoo kale xarunta dugsiga tababarka ciidanka bolice ka

Kulan dhaxmaray taliska madaxtooyada iyo kan booliiska ayey ku heshiin waayay sidii qorshe loogu dejin lahaa arrinta muranka dhalisay ee marista wadada in kasta oo aan wax cadeyn ah loo heynin in ciidada bolice ku ku lug lahaayeen dhacdooyinkii  dhacay

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.