Muran xoogan ayaa soo kala dhexgalay markii ugu horeeysay taariikhda dhaqanka Beesha Murusade, kaasi oo gaarsiisan meeshii ugu sareeysay oo ah in beeshaas kala tagto, taasi oo ay sabab u noqdeen Yaxye Cali Hareeri oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha Guddaha iyo Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi.
Ugaaska Beesha Murusade Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa markii ugu horeeysay taariikhda waxaa uu bedelay odayaasha Dhaqanka ee beelaha Murusade, gaar ahaan kuwa leh saxiix-yada xildhibaanada Galmudug ee Beesha Murusade isagoo wareegto ku magaacabay shaqsiyaad cusub marka laga reebo hal oday oo ah Nabadoon Yuusuf Maxamed Axmed oo uu kaga baqay sababo jiro.
Halkaan ka akhriso wareegtada qoray Ugaaska.
Ugaas Cabdullahi ayaa dhowrjeer warqado is-qilaafsan u qoray Wasaarada arrimaha Gudduha, isagoo magacaabayo odayaal dhaqameed uu sheegay in jufooyinka Murusade ay matalaan, balse ah kuwo ku cusub saaxada dhaqanka, kuwaasi oo aysan soo dirsan beelihu.
Howshaan waxaa ugaaska looga fuliyay Wasaaradda Arrimaha Guddaha waxaana fuliyay Yaxye Cali Hareeri oo ugaaska kula heshiiyay in odayaasha cusub loogu daro adeerkiis Cabdi Cismaan Dhuxul, sanadka soo socdana ugaasku garab ku siiyo in kursiga looga qaado Xildhibaan Cabdiwali Maxmed Qanyare.
Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa culeeysyo soo wajahay awgiis waxaa sida ku cad warqadan uu soo celiyay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, isagoo wasaarada u sheegay in uu warqadii hore ka laabtay, islamarkaana uu cadeeynayo in Isagu soo qorayo xildhibaanada jufada Habarceyno, islamarkana Nabadoon Xaad saxiix kaliya leeyahay, taasi cadeeyn u ah in ujeedadii ugu weyneed ee uu u bedelay dhaqanka in ay tahay in uu doonayo in uu soo qorto xildhibaanada Murusade uga mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug kadibna loo saxiixo, maadama Ugasku uusan ku jirin saxiixayaasha Galmudug, sharciyadna uusan u laheyn in uu kamid noqdo.
Arrinta xusid mudan ayaa ah in odayaasha uu bedelay Ugaaska ay ku jiraan Odayaal sharciyad iyo aqoonsi buuxa heysta waxaa kamid ah Suldaan Xasan Axmed Sabriye oo kamid ah odayaasha 135-ta ah iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo odayaal kale, waxaana shaqsiyaadkaas lagu bedelay xubno aan heysan sharciyad marka laga reebo warqada ugaasku ku magaacabay oo loo qoray wasaaradda arrimaha Gudaha.
Marka la joogo dhaqanka Murusade Awooda Ugaaska ayaa ah kaliya in uu shirgudoomiyo odayaasha dhaqanka jufooyinka beesha, islamarkana shaaciyo go,aanadooda, waxaana ka reeban ka qeyb qaadashada siyaasada, iyo waxyaabaha sharafka ugaasnimo dhaawaci karo, waana xil sharafeedka ugu sareeya beesha.
Arrintan ayaa imaaneysa kadib Khilaaf iyo dood badan oo ka taagneyd asbuucyadii lasoo dhaafay odayaasha saxiixyada Beesha Murusade ee Galmudug oo la doonayo in la bedelo iyaga iyo odayaasha beelaha Mareexaan, Dir iyo Sheekhaal.
Ma cadda haddii Dowladda Soomaaliya Soomaaliya, gaar ahaan Ra,iisul Wssaare Kheyre wax lug ah ku leeyahay go’aanada Ugaas Cabdullahi Ugas Faracade ee uu ku bedelayo Dhaqanka Beesha Murusade islamarkaana laga fuliyay Wasaaradda arrimaha gudaha oo uu uga shaqeeyay Yaxye Cali Hareeri.
Si kastqba ha ahatee magacaabida Odaaysha Cusub ayaa waxba u dhimeyn sharci ahaanshahiisa madaama.kuwa hada ku doodayo in laga saaray iyaguba ay magacaawday Dowladii Xasan sheikh Maxamuud