Home Afsomali Musharax Abdirashid Xidig oo taageerayashiisa Dal iyo dibad ugu baaqay in ay...

Musharax Abdirashid Xidig oo taageerayashiisa Dal iyo dibad ugu baaqay in ay is dajiyaan

Bismilaah:
Ilaahay ayaa mahad iska leh Waxaan si Nabad ah ku soo gaaray Garoonka dayuradaha ee Kismayo:

Mahad gaar ah Waxaan u celinayaa Shacabka ree Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga:

Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019:

Waxaan idin balan qaadayaa inaan idiin Abaalgudi doono hadii rabi aqbalo:

Abaalkiina 1aad Waxaan ka dhigayaa inaan Garoonka diyaaradaha ee kismayo lug kaga soo baxayo oo aana wax gaadiid ah soo raacaynin lugna ku imaan doono magaalada Kismayo intay rabto ha igu qaadatee hadii hadii rabi idmo:

Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn Sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay Amarkii lasiiyay:

Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda Gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda:

Amaana Alaah:

Og: shacabka Jubbaland
Og: Salaadiinta Jubaland
Og: Maamulka Jubaland
Og: Dowlada Federaalka
Og: Urur Goboleedka IGAD
Og: Amisom sector 2
Og: International Community

Mahadsanidiin:

Hon: Abdirashid Mohamed Xidig
Murashaxa Madaxweynaha ee Shacabka Jubbaland 2019:
Kismayo Airport

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.