Home Afsomali Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo daawo iyo Agab Caafimaad geeyey Ispitalka...

Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo daawo iyo Agab Caafimaad geeyey Ispitalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Magaalada Jowhar ( DAAWO SAWIRADA )

Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynenimo ee Maalmuka Hirshabelle ayaa Booqday ispitalka Hooyadan iyo Dhalaanka ee dagmada Jowhar oo ayh jiifaan Bukaano kala Duwan .

Waxaana Mid mid uu u dul istaagay Bukaanada halka Jiifa oo ay ka mid ahaayeen hooyooyin iyo Caruur ay dhaleen

Musharaxa ayaa warbixino ka dhageystay maamulka iyo dhaqtarada ispitalka wuxuuna daahir cabdulle kaalmo daawo iyo Qalab Caafimaad Gudoonsiiyey Masuuliyiinta ispitalka isaga oo sheegay in aysan Noqon doonin tii ugu danbeysaybalse uu joogteyn doono indhaindheynta iyo ka warqabka Bukaana la geeyo ispitalka

Masuuliyiinta ispitalka hooyada iyo dhalaanka ayaa u mahadceliyey Musharax daahir Abdulle Cawaale waxayna sheegeen in ay ku soo aaday xili bukaanadu baahi aad ah u qabeen agabka Caafimaad iyo Daawooyinka loo geeyey

musharaxa ayaa dhanka kale soo Booqday beeraha wax soo saarka ee Alle ku maneystay Gobolka sh/dhexe wuxuuna beeraleyda ku guubaabiyey in ay kordhiyaan   tabcashada beeraha ayna soo saaraan dalad aad u aad un taaayo leh  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.