Home Afsomali Musharax Dabooley Maamulka K/Galbeyd

Musharax Dabooley Maamulka K/Galbeyd

Si isku mid ah ayay bulshada K/Galbeed u qadarisaa, tixgalin iyo xushmo ayaa mar walba loo hayaa, fadhiga ayaa looga kacaa marka la arko bidhaantiisa {muuqiisa}, salaan ay ku dheehan tahay xaq-dhawr ayaa lagu soo dhaweeyaa, Xiiso ayaa xilli kasta loo qabaa la kulankiisa, sharaf iyo maamuus ayuu mar walba ku dhex leeyahay shacabkiisa.

Daaacadnimo, aqoon, xilkasnimo, dhaqan suuban iyo naxariis ayaa lagu yaqaanaa, Isbadal iyo horumar la arki karo ayuu ka sameeyay maalmihii koobnaa ee uu ku sugnaa magaalada Baydhabo, juhdi iyo dadaal aad u balaaran ayuu u galay sidii uu shacbiga degaanadaasi ugu horseedi lahaa wanaag iyo hannaankii ay asaagooda kale wax ula qeybsan lahaayeen.

Waa cusub ayaa u baryay reer Baydhabo muddadii yareyd ee uu la joogay Musharax Eng. Saalax Sheikh Cusmaan Muuse, lama qiyaasi karo kalsoonida ay bulshadiisa ku qabto Musharaxaasi, farxad ayay dadku u aheyd joogitaankiisa, xaqiiqdii Wasiir Saalax si fiican ayuu u shiday (nooleeyay) magaaladaasi, nuurkeeda ayaa baxayay intii uu ku sugnaa halkaasi.

Shaqo iyo waxqabad u dhigma dhawr bilood ayuu Musharaxaasi ka sameeyay Baydhabo, Xiddiga loogu jecel yahay Musharaxiinta K/Galbeed ayuu noqday, in ku dhaw Toban {10} shir oo heerkoodu uu aad u sareeyo ayuu ku qabaty magaaladaasi.

Munaasabadii ugu saameynta balaarneyd ee loogu tala-galay soo bandhigida Musharaxnimadiisa iyo fuitaankii Laanta Xisbiga TIIR ee magaalada Baydhabo ayuu halkaasi ka oogay (sameeyay), deeq isugu jirtay qalab iyo adeegyo kala duwan ayuu gaarsiiyay goobo ay ka mid ahaayeen xarumo Waxbarasho iyo qaar ka tirsan xeryaha dadka Barakacayaasha ah.

Siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxagarad badan waxaa soo jiitey sida hagar la’aanta ah ee uu aqoonyahankaasi isugu xilsaarey wax u tarida dadkiisa, amaan, duco iyo mahadnaq ayuu ka kasbaday bulshadiisa.

Xildhibaano badan oo ka tirsan maamulka K/Galbeed ayaa qiray in Musharaxaasi uu yahay nin mucjiso ah oo daboolay gabi ahaanba Maamulki halkaasi ka jiray, iyagoo hoosta ka xariiqay haddii Musharaxaasi loo doorto Xilka Madaxweynaha K/Galbeed inuu shacabkiisa gaarsiin doono heer aaney horey u gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.