Home Afsomali Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho...

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA )

 

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya ayaa Casuumaad gaar ah u fidiyey qeybo ka mid ah Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho,waxa uuna u jeediyey Khudbad uu ugu hadlayo Siyaasadiisa ku aadan Xilka uu isku taagan.

Caasuumaadaan oo aheyd mid si gaar ah loo soo agaasimay ayaa ugu Horeyn waxaa ka hadlay Axmed Cilmi Kare oo la soo shaqeeyey Musharaxa waxa uuna sheegay in Musharax Deni uu yahay Shaqsi Howl kar ah oo lagu Aamini karo Masiirka Dalka.

Madiino Caamir oo ka hadashay Kulanka ayaa sheegtay in ay aad u taageersantahay Musharax Dr.Siciid Deni”Siciid Waxa uu ka mid yahay raga aan rabno in ay na maamulaan,Aniga Siciid waxaa ku ayiday Waa Nin Kobihiisa ay u tolanyihiin horeyna waa u sheegay,Anaga waxaa na dilay rag aysan kabaha u tolneyn oo naga kabo tolanayo oo na dhibayo ayaa na dhibay,Musharax Siciid Waa Shaqsi Dalka lagu aamini karo,waxaana leeyahay Hala Doorto”ayee tiri Madiina Caamir.

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey Munaasabadda ayaa u mahadceliyey Dhammaan inta Xafladda ka soo qeybgashay,waxa uuna sheegay in uu go’aansaday in Casuumaad gaar ah u sameeyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho”Aniga Siyaasadeyda waxaa ay ku dhisantahay Daacadnimo,Waxaa rabaa in Dalka si Daacadnimo ku jirto in aan ugu Shaqeeyo,Waxaa Awoodsiinayaa in la Xoojiyo Dowladnimada”ayuu yiri Musharax Siciid Deni.

Musharax Siciid Deni mar uu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed uu dalka marayo ayaa sheegay”Waxaa aad ugu xumay Iftiin 2012-dii baxay  dadkana galinay kalsooni iyo Dhiiranaan in Dadkii madaxda ahaa ee la doortay aysan u Muuqan in Hogaanka Dalka meeshii laga filaayey in aysan u horseedin,Waxaa Nasiib daro ah iyada oo lagu jira 2016-ka in dalka la rabo in uu ka dhaco Burbur Dowladnimo, Waxaan u baahanahay in Cod dheer aan ku sheegno Qaladaadka dalka ka jira,waxaa Nasiib daro ah in Madaxdii Dowladda la rabay in ay isku soo dhaweeyaan Shacabka ay rabaan in dadka ay dhex dhigaan Aafo sokeeye”ayuu yiri Musharax Dr.Siciid Deni.

Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya ayaa kulamo iyo wadatashiyo la leh Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliyeed,waxaana si weyn u taageersan dhammaan waxgaradka iyo Siyaasiyiinta dalka oo u arka in uu yahay Shaqsigii ay Somali u baahneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.