Home Afsomali Musharax isfaanshay waa ri isnuugtay

Musharax isfaanshay waa ri isnuugtay

Haka bixin taraag
Tamashlee dalxiis
Todobaadyo xamar
Taagnoow villada

Shirarbaan tagniyo
Tartan doorashaa
Nugu taagan iyo
Safar baan turkiga
Ugu shaqa tagniyo
Toban murashaxbaa
Noo timid xaliyo
Team baan quraac
Ugu tala galniyo
Hadal aan wax tarin
Miidiyaha u tabi

Tiimbaraha GALMUDUG
Iyo taytalkana
Tebbad reer Galbeed
Lugu tuugsadoo
Maal lugu tabciyo
Gacan taag ka dhigo

Ha u turin bulshada
Danta guudna tuur

Towfiiq xumada
Na dhex taalla iyo
Tolalka is diloo
Cid wax kala tiraa
Oo toosisiyo
Tebay maamulkiyo

Tacaddiga shabaab
Mudug kala talshiyo
Degaanada tartiib
Loo taabsadiyo
Dadka taagta daran
Siday ugu tuntaan
Ha luguu tirshee
Taleefoonka ciid
Xogta uga tixnow

Kana taxadar saad
Nin kaleeto taaj
Ugu toli lahayd
Kaagu ha tifmee

Taad haysatood
Madaxda utahana
Cidna yay tixgalin

Rag horaan tabtaas
Ku tijaabinoo
Taariikh ka galay
Tan u liidatoo
Waa talo xumee

Allowyaa si togan
Kuu tilmaama oo

Toorahaa ku dhaha
Haku toobiyayn
Togga ceebta iyo
Taga dhiiqadoo
Dacda tiimbadee

Shido toosh ifloo
Ku tusiya waddada
Tooskaa walaal

Musharax isfaanshay waa ri isnuugtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.