Home Afsomali Musharax Madaxweyne Maaxaay oo dalbaday in cadaalada la horgeeyo wiilashii gabadha kufsaday

Musharax Madaxweyne Maaxaay oo dalbaday in cadaalada la horgeeyo wiilashii gabadha kufsaday

Midkii ugu horeyey Mushgarax Madaxweyne oo ka hadlay gabadha goldob lagu kufsaday uguna baaqay maamulka ka jira in ay cadaalada horgeeyaan cidii ka danbeysay

Musharax madaxweyne Cabdi Muuse Maaxaay oo ka mid ah Mushaaxiinta dalka ayaa Bogiisa facebook soo dhiga qoraal muujinaya sida uu uga danqaday gabadha la sheegay in lagu kufsaday Magaalada Goldogob

Mr Maxaay ayaa ugu baaqay masuuliyiinta deegaanadaasi in ay wiilshii ka danbeeyey falkaasi cadaalada la horgeeyo wuxuuna wacad ku maray in hadii uu ku guuleysto xilka aysan jiri doonin arimo noocaas oo kale ah .

Cabdi casiis Muuse Maxaay waa samafale in mudo ah kaalmeynayey dadka dhiban ee aan aqoyin reerahoodu in ay dalka dibadiisa ku soo daaweeyaan

Shaqadii labaad oo uu qabtay ayaa waxaa ay aheyd gabar yar oo Muqdisho lagu kufsaday Muraayo da.deedu waxay aheyd qiyaas ahaan kana soo jeeday qoys danyar ah  ilaa 4 jir isaga oo la tacaalay ilaa uu ka geeyey dalka mareykanka waxayna haatan halkaa ka dhigataa dugsiga sare iyada oo heshay caafimaad taam ah .

Musharax qoraalkiisa ayaa sidaan u qoraa.

It’s very bad to rape a women and it’s crime in my future Goverment I will make my priorities to stop this kind of act

It’s too hard and too difficult to see this kind of act

I request the authority to brought justice for this Men’s

Waa wax aad u fool xun in la xoogo Dumarka waana dambi wayn Mustaqbalka xukuumadayda dambe waxaan nuhiimada Ugu wayn Saari doonaa in aan joojiyo Inay Dhacdo dhibkaan oo kale

Waana wax aad u dhib badan in aan arko Fal Noocaan oo kale

Waxaan ka codsanaa in madaxda degan degaankaas Inay soo istaajiyaan Maxkamada sharciga wiilashaas

Maaxaay

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.