Home Afsomali Musharax Madaxweyne Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo shaaciyay sababta soo celceliya khilaafka...

Musharax Madaxweyne Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo shaaciyay sababta soo celceliya khilaafka DFS, Jubbaland & Puntland

https://fb.watch/2Mj3VNax3D/

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu burburinayo dowlad Goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan marnaba isku dayin inay dowlad Goboleedyada siyaasadda iska fahmaan, sidaas daraadeedna meesha looga saaray Madaxweynayaashii dowlad goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Galmudug.

Mustaf Dhuxulow oo ka hadlayay Shirka Magaalada Garoowe ayaa sheegay in sababaha uguw eyn ee soo ceceliya khilaafka Dowladda, Maamulka Jubbaland & Puntland ay tahay Arrimo siyaasadeed iyo inay Madaxweyne Farmaajo kala Shaqeyn waayeen in dib loo doorto.

“ Madaxweyne Farmaajo ma rabyo in uu la heshiiyo dowlad goboleedyada, kuwii kala Shaqeyn waayay in dib loo doorto meesha aytuu ka saaray, Jubbaland & Puntland caqabad ayaa lagu furay, qof ka hadashayna waa la la’yahay ayuu yiri” Mustaf Dhuxulow.

Ugu dambeyn Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo in dalka Ereteriya oo uu xukumayo Madaxweyne kaligiis talis ah uu u diray Ciidamo si loogu tababaro, isaga oo sheegay in Ciidamadaas loogu talo galay inay dalka kusii haayaan Madaxweyne Farmaajo.

https://fb.watch/2Mj3VNax3D/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.