Home Afsomali Musharax sheegay in noloshiisa halis ku jirto.

Musharax sheegay in noloshiisa halis ku jirto.

Bobi Wine oo ah musharraxa mucaaradka Uganda ayaa sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto kaddib doorashadii Khamistii ka dhacday dalkaas oo uu ku guuleystay Yoweri Museveni.

“Waxaan u cabsi qabaa nolosheyda iyo tan xaaskeyga” ayuu yiri Bobi Wine.

Wuxuu BBC-da u sheegay in uusan aqbali doonin natiijada kasoo baxday guddiga doorashada.

Wuxuu intaas ku daray in aanan loo ogoleyn in uu isaga baxo gurigiisa oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada amniga.

“Cidna looma ogolo in gurigeyga ay soo gasho ama isaga baxdo- dhammaan weriyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxaa loo diiday inay soo galaan gurigeyga”

Xilliggii ololaha doorashada waxaa Uganda hareeyay qalalaase oo ay ku dhinteen tiro dad ah.

Madaxwaynaha xilka haya ayaa marka la eego dhanka codadka waxaa uu helay 5.85 milyan , halka musharaxa mucaaradka Bobi Wine uu helay 3.48 milyan oo cod.

Madaxwayne Museveni ayaa waxaa uu awoodda dalkaasi la wareegay sandkii 1986-dii, waxaa uuna isu arkaa in uu yahay nin dalkaasi ku soo dabaalay nabad kana badbaadiyay dhibaatooyiin badan.

Balse dadka dhaliila ayaa u arka in uu yahay nin intii uu xilka hayay mucaaradka ka soo horjeeda gacan bir ah ku qabtay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.