Home Afsomali Musharaxiinta Xildhibaanada iyo ergada Dooraneysa oo wajahaya baaris waxaana looga fadhiyaa warqada...

Musharaxiinta Xildhibaanada iyo ergada Dooraneysa oo wajahaya baaris waxaana looga fadhiyaa warqada danbila.aanta waana lacage ogow

Waxaa dhawaan la filayaa in dowlad goboleedyada dalka ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka federaalka, waxaana Xildhibaanadaasi soo dooranaya Ergooyin beelaha iska soo dhax xulaan.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ahna Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa amar ku bixiyay in baaris la marsiiyo Musharaxiinta Xildhibaanimo iyo ergada dooraneysa.

“Qof kasta oo musharax ah & Qof kasta oo Ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado in ay dambi ka galeen umadda Soomaaliyeed waxaana u geyneenaa Ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo Golaha Wadatashiga qaran” ayuu yiri Jen Xijaar.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa dhinaca kale beeniyay in uu is hor istaag ku sameeyay Musharixiin u taagan kuraasta Xildhibaanimo oo warqadda dambi la’aanta ka doontay xarunta Baarista Dambiyada ee C.I.D.

Waxa uu sheegay taliyaha in been abuur tahay warkan laga faafiyay ayna jirin sabab uu is hortaag ugu sameeyo musharaxiinta, waxa uuna cadeeyay in aysan wali bilaaban qaadashada warqadaha cadeynta dambi la’aanta ee bixiso CID-da.

Talaabadan lagu doonayo in lagu baaro Musharaxiinta iyo ergada Xildhibaanada dooraneysa ayaa dowlada uga gon leedahay in looga hortago in kuraasta qaar kusoo baxaan xubno xiriir la leh kooxaha hubeesan.

Previous articleAqriso Magacyada liiska jadwalka Doorasho ee koofur galbeyd
Next articleMagacyada Shan kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee lagu doortay Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.