Home Afsomali Musuq iyo Maasuq waxey ku heshiiyeen gacmo isdhaafay ayey galadi Ku jirtaa

Musuq iyo Maasuq waxey ku heshiiyeen gacmo isdhaafay ayey galadi Ku jirtaa

Dalka Soomaaliya waxaa ku nool shacab fara badan oo ka kala yimid dalal caalamka oo dhan muddo badan oo gaaraya nus qarni.

Nolashada dadka ku nool dalka Soomaaliya Qaarkooda waxa uu xilligaani tahay mid aad u kala duwan oo markaasi lagu sameeyay musuq maasuq baahsan oo loogu tala galay in mar waliba lagu tagri falo xaquuqda ay dalka ku leeyihiin shacabka masaakiinta ah marka laga reebo beelo gaar ah oo iyagu aaminay in ay ka awood badan yihiin dadka kale.

Tan iyo intii uu burburka ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa bulshada qaarkood ku soo kordhayay dacadiyo iyo faquuq joogto ah oo lagu waxyeeleyynayo nolashooda, dadkaani intooda badan ayaa haataan ka cabanaya dhanka Ganacsiga oo markaasi gacanta ku dhigeen shaqsiyaad isku baheystay qabiil oo boob badan ku haya hantida yar ee nolal maalimeedka ay ka soo heleen Magaalada.

Shacabka intooda badan ayaa Rajo wanaagsan markii hore ka muujiyay jititaanka Dowladnimo balse markii ay arkeen in dalka lagu waddo qiyaano qaran waa ay ka niyad jabeen ,tan iyo inta laga helayo Dowlad waxbadan ka qabata musuqa joogtadaha ah ee had iyo goor lagu hayo bulshada Dacaaladuna u noqoto mid ay u siman yihiin dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.